Wakhtiga Uu Lionel Messi Tijaabada Caafimaadka U Mari Doono PSG Oo La Ogaaday

Ku Biirista Lionel Messi ee kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in la dhamaystiray sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka France.

Xiddiga reer Argentine ayaa lagu soo waramayaa in uu tijaabada caafimaadka u mari doono kooxda PSG maalinta Bari ee Isniinta Ah kadib markii ay wadahaladu si dakhso ah horumar u sameeyeen kadib markii ay Barcelona khamiistii xaqiijisay in uu xiddigu ka tagi doono kooxda.

Kooxda PSG ayaa wadahadalo la bilowday xiddiga kadib markii ay Barcelona xaqiijisay in uu xiddiga Argentine isaga tagi doono kooxda kadib 21 sano oo uu joogay kooxda.

Saxafiga Julien Laurens ayaa haatan sheegaya in ay kooxda PSG maalinta Isniinta tijaabada caafimaadka marsiin doonto xiddiga si ay u dhamaystiraan heshiiskiisa.

Xiddiga Lionel Messi ayaa saacadaha soo socda u duuli Doona Paris si uu maalinta Isniinta tijaabada caafimadka ugu maro looguna dhawaaqo saxiixa xiddiga isla maalinta Bari ah.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 6 Sabab Oo Ay Gabadhu Uga Boodo Ninka Kulanka Ugu Horeeya, Iska Ilaali Ninow In Aad Ku Dhacdid

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*