Wakhtiga Uu Kylian Mbappe Ku Biiri Doono Oo La Kashifay

Paris Saint-Germain's French forward Kylian Mbappe reacts after missing a goal opportunity during the French L1 football match between Paris Saint-Germain and Montpellier at the Parc des Princes stadium on February 20, 2019. (Photo by Thomas SAMSON / AFP) (Photo credit should read THOMAS SAMSON/AFP/Getty Images)

Wararka Kylian Mbappe la xidhiidhinaya Real Madrid ayaa sii xoogaysanaya tababare Andre Villas-Boas Ayaana sheegay in uu Hubo in uu xiddiga reer France ku biiri doono Los Blancos wakhti dhaw ama wakhti.

Heshiiska Mbappe ee PSG ayaa dhici doono xagaaga sanadka dambe waxana si weyn loola xidhiidhinayaa in uu ka tagayo PSG iyada oo lala xidhihiidhinayo kooxda Real Madrid.

“Waxan u malaynayaa in uu Mbappe ku biiri doono Real Madrid wakhti dhaw ama mid fog”ayuu Andre Villas-Boas u sheegay Sport Bild.

“Cristiano Ronaldo wuxuu u saxiixay Real Madrid isaga oo ah xiddig fiican, wuxuuna noqday mid sii fiicnaaday, waxaana u maleynayaa in Mbappe uu sidaas oo kale sameyn karo”.

Real Madrid ayaan wali buuxin booskii uu baneeyay Cristiano Ronaldo waxana si weyn loola xidhiidhinayaa Mbappe si uu si ay ugu buuxiyaan booskiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*