Wakhtiga Uu Kostas Tsimikas Tijaabada Caafimaadka U Mari Doono Liverpool Oo La Ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa sidii looga bartay suuqyadii ugu dambeeyay si lama filaan ah u dhamaystiraysa saxiixa xiddig aan la aqoon kaas oo ay ka soo wado horyaalka dalka Greek.

Wararka soo baxaya haatan ayaa sheegaya in ay Liverpool kooxda reer Greek ee Olympiakos kala heshiisay saxiixa xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara ee Kostas Tsimikas kaas oo qarka u saaran in uu ku biiro Liverpool.

Kooxaha Liverpool iyo kooxda Olympiakos ayaa la sheegayaa in ay ku heshiiyeen lacag ku kacaysa 13 milyan oo euro marka lagu daro gunooyinka.

Xiddiga Kostas Tsimikas ayaa la sheegayaa in uu tijaabada caafimaadka u mari doono kooxda Liverpool todobaadka dambe si uu u dhamaystiro heshiiskiisa.

Isla wararka ayaa sheegaya in uu Kostas Tsimikas oo 24 jir ah qalinka ku duugi doono heshiis 5 sano oo uu ku joogi doono Anfield.

Sii Akhriso: Taliyihii Ilaalada Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Lagu Dilay Dagaal Dhexmaray Maleeshiyo Beeleedyo & Ciidamada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*