Wakhtiga Uu Kai Havertz Doonayo In Uu Dhamaystiro Ku Biiristiisa Chelsea Oo La Ogaaday.

Xiddiga Kai Havertz ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu dhamaystiro ku biiristiisa chelsea todobaadka dambe.

Xilli ay chelsea xiiso u qabtay xiddiga khadka dhexe muddo bilo ah waxa ay haatan dar-dar galisay wadahadalada ay ku doonayso kadib markii ay u soo bexeen champions League.

Inkasta oo bilowga xilli ciyaareedka cusub ee premier League ka dhiman yahay 6 todobaad hadana sky Sport ayaa sheegaysa in uu xiddiga 21 jirka ah doonayo in uu sida ugu deg-dega badan u dhamaystiro ku biiristiisa Blues.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga Kai Havertz u sheegay kooxdiisa Leverkusen in ay si deg-deg ah ula heshiiso chelsea si uu ugu biiro kooxda todobaadka dambe.

Heshiiska shaqsiga ah ayaa la sheegayaa in ay wakhti hore wada gaadheen xiddiga iyo kooxda chelsea haatana kaliya heshiiska ka dhimantahay in ay labada kooxood ka heshiiyaan saxiixa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*