Wakhtiga Uu Haaland Ka Tagi Doono Man City Oo La Kashifay

Aabaha dhalay Erling Brut Haaland Ayaa soo jeediyay in uu wiilkiisu isaga tagi doono kooxda Man City 3 ilaa 4 sano kadib.

22 jirkan ayaa si fiican ku bilowday xirfadiisa Man City kadib markii uu kaga soo biiray Borussia Dortmund suuqii xagaaga.

Xiddiga ayaa dhaliyay 14 gool 10 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan waxana uu durba muhiim ka noqanayaa kooxda Pep Guardiola.

Laakiin xiddiga ayaa sii joogi doona Man City ugu yaraan 3 ama 4 bilood sida uu soo jeediyay aabaha dhalay ee Alf Inge Haaland.

“Waxan u malaynayaa in uu Erling doonayo in uu isku tijaabiyo horyaal walba sidaas darteed horyaal walba waxa uu joogi doonaa 3 ilaa 4 sano”.

“Waxa uu Germany joogay 2 sano iyo badh, England waxa uu joogi doonaa 2 iyo badh kadib waxa uu aadi doonaa horyaalka Spain, Italy iyo France, ma garan karno in ay sidaas dhici doonto laakiin waxa uu doonayaa in uu isku tijaabiyo horyaalada oo dhan”