Wakhtiga Uu Gavi Heshiiska Cusub U Saxiixo Doono Barcelona Oo La Ogaaday.

Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Gavi ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu qalinka ku duugo heshiis cusub oo uu u saxiixo Blaugrana Khamiista.

18-sano jirkaan ayaa haatanba xiddig muhiim ah ka noqday Barcelona isaga oo si joogto ah ugu ciyaara kooxda sanadihii ugu dambeeyay.

Gavi ayaa 46 kulan ku bilowday shaxda Barcelona xilli ciyaareedkii hore isaga oo sameeyay 6 caawin 2 gool-na dhaliyay.

Xavi ayaa doonaya in uu sii haysto xiddiga khadka dhexe kaas oo ku bilowday dhamaan 5-tii kulan ee ay Barcelona ciyaartay horyaalka La Liga.

Sida laga soo xigtay Sport, Gavi ayaa qalinka ku duugi doona heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono kooxda Barcelona.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddigu qalinka ku duugi doono heshiiska cusub khamiista kadib kulanka champions League todobaadkan