Wakhtiga Uu Garet Bale Ku Soo Laaban Doono Garoomada Oo La Ogaaday

Tababaraha xulka Wales Rob Paige ayaa shaaca ka qaaday wakhtiga uu xiddiga reer Wales ee Gareth Bale ku soo laaban doono garoomada kubada cagta kadib dhaawacii muruqa ahaa ee soo gaadhay laba todobaad ka hor.

Kooxda Real Madrid ayaa ku dhawaaqday laba isbuuc ka hor in Gareth Bale uu dhaawacmay oo uu maqnaa muddo kooban, ka dib markii uu soo gaaray dhaawac muruqa ah kaas oo u diidaya in uu ciyaaro kulamada.

Wargayska MARCA ayaa tilmaamay in Gareth Bale uusan weli ku soo laaban tababarka iyada oo uu xiddigu wali tababar ku qaato qolka Jimicsiga.

Waxaana wargeysku tilmaamay in Real Madrid aysan waligeed ka hadlin marxaladaha soo kabashada Gareth Bale, maadaama maamulku uu doorbidayo in uusan arrintan kala hadlin warbaahinta sidoo kale xiddiga laftiisa ayaan wax dhaawaciisa la xidhiidha soo dhigin baraha bulshada.

Laakiin taababraha Xulka qaranka Wales ee Gareth Bale ayaa sheegay in uu xiddigu garoomada ku soo laaban doono kadib fasaxa xulalka ee bisha November ee soo socota.

Tababaraha Wales ayaana hadlay, sida laga soo xigtay wargeyska “Marca”, isagoo leh, “Waxaan la xiriirnay isaga iyo waaxda caafimaadka, nasiib wanaag, Gareth Bale wuu ka soo kabanayaa si ka wanaagsan sidii la filayay, waxaana aad ugu kalsoonahay inuu fiicnaan doono bisha November.”

Sii Akhriso: 3 Dumar Ah Oo Raggu Neceb Yihiin..Waa Kuwee?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*