Wakhtiga Uu Digo Jota Ku Soo Laabanayo Garoomada Oo La Kashifay.

Wararka ka imanaya Dalka England ayaa kashifay Wakhtiga Uu Xiddiga weerarka uga ciyaara Liverpool ee Diago Jota ku soo laaban doono garoomada kadib dhaawacii soo gaadhay.

Xiddiga Diogo Jota ayaa garoomada ka maqan tan ilaa biloegii bishii December kadib markii uu soo gaadhay dhaawac jilibka ah kulan champions League ah.

Laakiin xiddiga reer Portugal ayaa la sheegayaa in uu soo laaban doono bisha dambe ee February marka uu ka soo laabto dhaawaca uu ku maqan yahay.

Taabare Jurgen Klopp ayaa todobaadkii hore hor sheegay in uu xiddigu dhawr todobaad oo kale ka sii maqnaan doono garoomada.

Laakiin tababaraha ayaa mar kale la waydiiyay wakhtiga uu Diogo Jota soo laaban doono waxana uu sheegay in uu xiddigu garoomada ku soo laaban doono bilowga bisha February.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*