Wakhtiga Uu David Alaba Saxiixi Doono Heshiiskiisa Real Madrid Oo La Ogaaday.

David Alaba ayaa lagu soo waramayaa inuu si rasmi ah qalinka ugu duugi doono heshiiska uu ugu soo biiri doono kooxda Real Madrid bisha May.

Xiddiga reer Austria ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Real Madrid iyada oo uu heshiiskiisa Bayern Munich dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in uu xiddiga 28 jirka ah ku soo biiri doono kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu furmo suuqa xagaaga.

Fabrizio Romano ayaa sheegay in uu xiddiga David Alaba iska diiday kooxaha chelsea, PSG, Liverpool iyo Barcelona kadib markii ay dalabyo u soo bandhigeen isaga oo doortay in uu ku biiro kooxda Zidane.

Sidaas darteed xiddiga reer Austria ayaa qalinka ku duugi doona heshiiska uu ugu biirayo kooxda Real Madrid 1 bisha May ee soo socota oo ay hal maalin inaga xigto.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Habeen Wanaagsan Ah Oo Ayna Gabadhu Iloobi Karin, U Dir Boqorada Qalbigaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*