Wakhtiga Uu Cristiano Ronaldo Ka Tagi Doono Man United Oo La Xaqiijiyay & Waliba Kooxda Uu Ku Biiri Doono.

Hooyada dhashay Cristiano Ronaldo Dolores Aveiro ayaa daaha ka qaaday inay aad u jeceshahay in weeraryahanka uu ka tago Manchester United kuna biiro Sporting Lisbon xagaaga soo aadan.

Intii lagu guda jiray suuqii kala iibsiga xagaaga, Ronaldo ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu ka tagayo Old Trafford isagoo doonayay inuu ka ciyaaro tartanka champions League.

Si kastaba ha ahaatee, sidoo kale Man United ayaa diiday in uu boxo xiddiga reer Portugal iyada oo ayna jirin koox dalab Rasmi ah ka soo gudbisay saxiixiisa.

37-sano jirkaan ayaa markii dambe iska sii joogay kooxda Man United isaga oo haatan kaydka ku jira inta badan kulamada ay Man United ciyaartay xilli ciyaareedkan.

Iyada oo la hadlaysa Nova Genta, Aveiro ayaa qirtay inay doorbidi lahayd wiilkeeda inuu ku laabto Sporting, halkaasoo uu ka bilaabay xirfadiisa ciyaareed.

Aveiro oo arintaas ka hadlaysa ayaa tidhi”Hadii ku laabashada Sporting dhici karto, haatan ma ahan, waxa laga yaabaa in ay dhacdo sanadka dambe, haatanba waan u sharaxay wiilkayga, ka hor inta aanan dhiman waxa aan doonayaa in aan ku arko mar kale isaga oo xidhan maaliyada Sporting”.