Sida uu qoray Sky Sports, Antoine Semenyo ayaa la filayaa inuu maanta, Isniin, December 22, go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa.
Garabka Bournemouth ayaa diyaar u ah inuu baxo iyada oo heshiiskiisa Bournemouth lagu bur-burin karo lacag dhan 65 milyan oo euro suuqa January.
Manchester United iyo Manchester City ayaa qaaday tallaabooyin dhab ah oo ku aaddan heshiiska, waxaana la rumeysan yahay inay labaduba si aad ah isugu dhow yihiin tartankan.
Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa weli xiisaynaysa Semenyo, waxayna noqon karaan kuwa hormuudka tartanka haddii ay go’aansadaan inay tallaabo qaadaan kadib dhaawaca Alexander Isak.
Tottenham-na iyaguna way xiisaynayeen Semenyo, balse hadda way ka baxeen tartanka, iyagoo u wareegaya bartilmaameedyo kale.
Be the first to comment