Wakhtiga La Soo Saari Doono Jadwalka Premier League Xilli Ciyaareedka Dambe Oo La Shaaciyay.

Waxa wakhti dhaw ka hor dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana haatan diirada la saarayaa bilaabashada tartanka Euro 2020.

Kooxda Man City ayaa bilaaban doonta difaacashada horyaalka premier League kadib markii ay si qurux badan ugu guulaysteen xilli ciyaareedkii dhamaaday.

taageerayaasha premeir league ayaa sugaya soo saarista jadwalka xilli ciyaareedka cusub ee premier League 2021/2022 kaas oo dhawaan lagu dhawaaqi doono.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa wax walba oo aad uga baahantahay ku dhawaaqista jadwalka premier League:

Goorma ayaa lagu dhawaaqi doonaa kulamada?.

Jadwalka kulamada premier League xilli ciyaareedka 2021/2022 ayaa lagu dhawaaqi doonaa 11:00 subanimo maalinta Arbacada kuna beegan 16 bisha June.

Goorma Ayuu xilli ciyaareedku Bilaaban doonaa?

Xilli ciyaareedka cusub ee premier League 2021/2022 ayaa bilaaban doona 14 bisha August ee soo socota.

Kooxaha premier League ayaana isku diyaarintooda xilli ciyaareeedka cusub bilaabi doonta isku todobaad kadib marka uu dhamaado tartanka Euro 2020.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*