Wakhtiga Dib Loo Bilaabi Doono Premier League Oo Dib Loo Dhigi Doono & Sababta Oo La Ogaaday.

30 bisha April ayaa ahayd wakhtiga la filayay in dib loogu soo laabto ciyaarta horyaalka premier League laakiin wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in dib loo dhigi doono wakhtiga.

Kooxaha premier Legaue iyo EFL ayaa haatanba u sheegay maamululka tartamadooda kala duwan ku wargaliyay in ayna diyaar u ahayn in ay wakhigaas ku soo laabtaan kulamada.

Wakhti cusub oo lagu soo laaban doono horyaalka premier League ayaa la filayaa in shaaciyo marka ay Premier League iyo EFL kulmaan todobaadka dambe.

Sababta ay kooxaha premie League u doonayaan in dib loogu dhigo wakhtiga la soo laabanayo ayaa ah in Dalka UK La galin doono Bandoo kaas oo ku jiri doona muddo 3 todobaad ah.

Todobaad ka hor waxa la sheegay in ay kooxaha premier League ku soo laaban doonaan premier League 30 bisha April laakiin Premier League ayaa isku raacay in wakhtigaas dib loo dhigi karo.

Advertisements

Kooxaha Premier League ayaa doonaya in ay 30 bisha April ku soo laabtaan tababarka buuxa sidoo kale dib loo dhigo ugu yaraan muddo bil ah wakhtiga la ciyaari doono kulamada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*