Wakhtiga Ay Real Madrid Shaqada Ka Caydhin Karto Zinedine Zidane Oo La Kashifay.

Kooxda Real Madrid ayaa si lama filaan ah uga hadhay tartanka Copa del Rey-ga xilli ciyaareedkan kadib guuldaro ceeb ah oo ka soo gaadhay kooxda heerka 3-aad ee Alcoyano.

Laakiin Maamulka real Madrid ayaan haatan gaadhi doonin go’aan deg-deg ah oo ku saabsan mustaqbalka tababaraha reer France.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay maamulka kooxdu sugi doonaan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay u bilaabaan Real Madrid cusub iyaga oo kooxda ka diri doona xiddigo badan oo magac ku leh kooxda.

Zinedine Zidane ayaa diiday in uu is casilo maamulka kooxduna ma doonayaan in ay shaqada ka caydhiyaan wakhti xaadirkan.

Laakiin hadii uu xaalku is badali waayo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan kooxda ayaa go’aamin doonta in ay caydhiso tababaraha.

Zidane ayaa kaliya shaqadiisa ku badbaadin kara in uu kooxda midkood ku hogaamiyo horyaalka La Liga ama champions League xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*