Wakhtiga Ay Real Madrid Ku Dhawaaqi DOonto Saxiixa Kylian Mbappe Oo La Ogaaday

Ku biirista xiddiga Kylian Mbappe ee Real Madrid ayaa la dhamaystiray sida laga soo xigtay saxafiga reer Italy ee Alessandro Alciato.

Kooxda ku guulaystay La Liga ayaa lagu soo waramayaa in ay saxiixa Mbappe ku dhawaaqi doonto kadib final-ka Champions league ee 28 bishan.

Saxafiga ayaa sheegay in haatan ku dhawaaqista Heshiiska Mbappe ee Real Madrid kaliya ka dhimantahay wakhti.

Mbappe ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG kuwaas oo aad o doonayay in ay sii haystaan xiddiga reer France.

Sidoo kale Mbappe ayaa iska diiday kooxda Liverpool oo dhankooda doonaysay in ay hesho saxiixiisa si ay ugu xoojiyaan kooxdooda.