Wakhtiga Ay Real Madrid Doonayso In Ay Ku Dhawaaqdo Saxiixa David Alaba Oo La Ogaaday.

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday faah-faahin cusub oo ku aadan saxiixa ay Real Madrid ku doonayso saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee David Alaba.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in heshiiska uu Alaba ugu biirayo Real Madrid dhamaystirmay 99% iyada oo haatan kaliya ka dhimantahay in lagu dhawaaqo saxiixa xiddiga

Isla saxafiga ayaa sheegaya in ay Kooxda Real Madrid dar-dar galinayso dhamaystirka saxiixa xiddiga iygaa oo doonaya in ay saxiixa xiddiga ku dhawaaqaan ka hor bilaabashada tartanka Euro 2021.

Xiddiga David Alba ayaa qaab xor ah uga tagaya kooxda Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa doonaysa in ay saxiixa xiddiga ku dhawaaqo isla marka uu xiddigu ciyaaro kulanka ugu dambeeya ee Bayern Munich ee xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*