Wakhtiga Ay Man United Dhamaystiri Doonto Saxiixa Jadon Sancho Oo La Ogaaday

Kooxda Man United ayaa ku rajo weyn in ay horumar ka samayn doonto wadahahadalada ay kula jirto Dortmund ee ku aadan saxiixa xiddiga Jadon Sancho iyaga oo waliba doonaya in ay dhamaystiraan saxiixiisa todobaadkan gudihiisa.

Xiddiga reer England ayaa doonaya in uu ku soo laabto premier League kadib markii 3 sano ku qaatay horyaalka Germany.

Sancho oo 20 jirka ah ayay Dortmund ku qiimaysaa lacag dhan 108 milyan oo euro United ayaana doonaysa in ay lacagtaas kala jabiso oo ay qaybo u kala bixiso sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Dortmund ayaa Man United u qabatay in ay saxiixa xiddiga ku dhamaystirto ka hor 10-ka bishan haatan lagu jiro ee August ka hor inta ayna kooxdu bilaaban isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Wargayska Independent ayaa sheegaya in ay Man United doonayso in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga todobaadkan gaar ahaan 72 saac ee soo socda si ay uga fogaato in ay Dortmund diido in ay xiddiga iibiso hadii ay dhaafto wakhtiga ay u qabteen.

Sancho ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Man United waxana kaliya heshiiska ka hadhay in ay labada kooxood ka heshiiyaan qiimaha.

2 Comments

  1. War warar mesha kuma hysane orodo update iska dhiga cwan ba tihine warar shalay so baxayay bad hada so qoroysan sancho United ayu kubiray wana rasmi

    • Warar fiican ayeey walaalaheen noosoo dhigaan…midhaa adigaa cawaan ah ee kabax meesha
      Ficil suubi oo adiga noosoo qor wararka mise shut your mouth# sancho kuma biirin Man utd lkn waan filaneynaa just expectations

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*