Wakhtiga Ay Man City Dhamaystiri Karto Saxiixa Ferran Torres Oo La Ogaaday.

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay dhamaystirka saxiixa xiddiga kooxda Valencia ee Ferran Torres kuna dhaawaqi doonaan heshiiska maalinta salaasada.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa 37 milyan oo euro ugu soo biiri doona Man City isaga oo qalinka ku duugi doona heshiis 5 sano ah sida uu sheegayo wargayska L’Equipe.

Kadib markii ay 18 dhibcood ka hoos martay Liverpool Pep Guardiola ayaa doonaya in uu xoojiyo kooxdiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Torres oo ka ciyaara garabka midi gee weerarka ayaa noqon kara xiddig wax weyn ku soo kordhiya kooxda Pep Guardiola.

Sii Akhriso:3 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Is Miidaamin Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*