Wakhtiga Ay Liverpool Doonayso In Ay Dhamaystirto Saxiixa Thiago Alcantara Oo La Ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay sugayso ilaa todobaadka ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga xagaaga si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara.

Reds ayaa weli ah kooxda ugu cadcad saxiixa Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara inkasta oo lala xidhiidhinayo kooxda Man United.

Si kasta ha ahaatee Liverpool ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaysa in ay la kulanto lacagta ay Bayern Munich doonayso in ay ku iibiso xiddiga 29 jirka ah.

Sida laga soo xigtay talkSPORT, qorshaha Liverpool ayaa ah inay sugto ilaa todobaadka ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga xagaagan si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*