
Kooxda Liverpool ayaa dhamaystirtay Final-ka tartank Carabao cup-ka kadib markii ay garaacday kooxda Arsenal kulankii Semi-final-ka tartanka.
Liverpool ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay ciyaarto final-ka tartanka kana hor tagto kooxda chelsea oo horay u sii xaqiiqsatay booskeeda final-ka tartanka.
Kooxaha Liverpool iyo chelsea ayaa haatan isku diyaarinaya in ay ku tartamaan koobka kulanka Kama dambaysta ah ee Caraboa cup-ka si uu midkood ugu guulaysto koobka xilli ciyaareedkan.
Kulanka Final-ka Carabao cup-ka ayaa dhici doona 27 bisha February kuna beegan maalin Axad ah iyada oo labada kooxood Wembley ku kala calaf qaadi doonaan midkoodna ku guulaysan doono koobka.