Wakhtiga Ay Juventus Qorshaynayso In Ay U Dhaqaaqdo Paul Pogba Oo La Ogaaday.

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay qiimo jaban kula soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Man United Paul Pogba suuqa January.

Xiddiga ku guulaystay koobka adduunka ayaan wali heshiis cusub u saxiixixin Man United waxana uu noqon doonaa xiddig xor ah dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay United wali sugayso go’aanka xiddig ee ah in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Si kasta h ahaatee saxafiga Rudy Galetti ayaa sheegaya in ay Juventus doonayso in ay qiimo jaban kula wareegto xiddiga reer France suuqa Janaury ee bilowga sanadkan.

Warkan ayaa soo baxaya kadib markii wakiilka xiddiga ee Mino Raiola uu dhawaan sheegay in ku laabashada Pogba ee Juventus tahay mid dhici karta wakhtiga soo socda.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Doonaysaa In Aad Guul Ka Gaadho Nolosha Guurka, Ma Doonaysaa In Aad Farxad Kula Noolaato Gacaliyahaaga, Iska Ilaali In Aad Ogolaato Guurka 6 Nooc Ee Ragga Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*