Wakhtiga Ay Arsenal Ku Dhaqaaqi doonto Saxiixa Willian Oo La Ogaaday.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay dhamaystirto saxiixa Willian marka la gaadho dhamaadka todobaadkan.

Inkasta oo uu doonayay in uu joogo kooxda hadana Willian ayaa Axadii ku dhawaaqay in uu isaga tagayo kooxda Stamford Bridge.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa doonaya in uu sii joogo prmeier League gaar ahaan London waxana lala xidhiidhinayaa in uu si xor ah ugu biiri doono Arsenal.

Haatan wargayska Evening Standard ayaa sheegaya in ay Gunners doonayso in ay saxiixa Willian ku dhawaaqdo maalmaha soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in ay xiddiga haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadheen isaga oo qalinka ku duugi doona heshiis 3 sano ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*