Wakhtiga Ay Arsenal Doonayso In Ay Dhamaystirto Saxiix Viktor Gyokeres Oo La Ogaaday.

Arsenal iyo Sporting ayaa rajeynaya inay heshiis ka gaaraan Viktor Gyokeres ka hor inta uusan weeraryahanka soo xaadirin jimcaha tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Weli ma jiro wax heshiis ah oo u dhexeeya kooxaha laakiin wada xaajoodyadu waa socdaan.

Standard Sport ayaa soo wariyay Axadii in dalabka Arsenal ee ah 65 milyan oo euro iyo 15 milyan oo guno ah in aanay ku filnayn in labada kooxood heshiiyaan.

Wararka ka imanaya Portugal ayaa sheegaya in Sporting ay doonayso in ka badan 80 milyan oo euro.

Gyokeres hadda waxa uu ku maqan yahay fasax laakiin gooldhaliyaha Sweden ayaa lagu wadaa in uu jimcaha ka soo xaadiro tababarka Sporting ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka.

Waxaa lagu soo waramayaa inuu horey heshiis shaqsi ah ula gaaray Arsenal isagoo qalinka ku duugay heshiis shan sano ah.

Dhammaan dhinacyada ayaa rajeynaya in qiimaha ay isku afgartaan naadiyada ka hor Jimcaha, iyadoo Arsenal ay sidoo kale bilaabaneyso isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub toddobaadkan.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga