Waddii Mohamed Salah: Timo Werner Oo Raadka Ku Haya Wadadii Uu Mohamed Salah Ugu Fashilmay Chelsea

Tababare Frank Lampard ayaa werarar culus ku qaaday xidduga weerarka uga ciyaara kooxdiisa ee Timo Werner kadib guuldaradii chelsea ka soo gaadhay Arsenal.

Timo Werner ayaa chelsea ku soo biiray xagaagii iyada oo wax weyn laga filayay kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Bundesliga.

Xiddiga ayaa si weyn loo saadaalinyay in uu laf dhuun gashay ku noqon doono daafacyada iyo waliba goolhayayaasha premier League xilli ciyaareedkan.

Laakiin xiddiga 24 jirka ah ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaya in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkii uu ku soo bandhigay horyaalka Bundesliga.

Timo ayaa 4 gool dhaliyay 15 kulan oo horyaalka premier League ah halka uuna wax gool ah dhalin 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada oo dhan.

Chelsea ayay caado u tahay in ay la soo saxiixato xiddigo fiican kadib disho kana dhigto kuwo ku fashilmay horyaalka premier League.

Ilaa haatan lama garanayo sababta uuna Timo Werner u soo bandhigin qaab ciyaareedkii looga bartay laakiin xogta ayaa muujinaysa in uu Frank Lampard ka ciyaarsiinayo xiddiga boos aan ahayn booska uu ka ciyaaro.

Hadaba Timo ma mari doonaa wadadii uu Mohamed Salah ugu fashilmay kooxda chelsea ka hor intii uuna dib ugu soo laaban premier League kana mid noqon xiddigaha ugu fiican horyaalka?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*