Wadahadaladii Heshiis Kordhinta Ahaa Ee Ay Man City Kula Jirtay Raheem Sterling Oo Istaagay.

Wadahaladii heshiis kordhinta ee u dhexeeyay xiddiga Raheem Sterling iyo Man City ayaa istaagay sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer England ayaa ka baxay qorshaha tababare Pep Guardiola xilli ciyaareedkii hore xilli heshiiskiisa haatan ee kooxdu dhici doono xagaaga 2023.

Inkasta oo uu ku dhibaatooday Man City Sterling ayaa door muhiim ah ka ciyaaray xulka qarankiisa England kaas oo ka caawiyay in ay gaadhaan final-ka euro 2020.

Si kasta ha ahaatee kooxda Man City ayaa ku dhibaatoonaysa in ay horumar ka samayso wadahalada ay ku doonayso in ay heshiis cusub kaga saxiixato xiddiga reer England.

Sterling ayaa dhaliyay 3 gool hal kale caawiye ka noqday tartankii euro 2020 isaga oo dhaliyay 14 gool 12 kalena caawiye ka noqday tartamada oo dhan 49 kulan oo uu ciyaaray.

Sii Akhriso: Ninka Quruxda Badan Mise Ninka Aan Quruxda Lahayn? Midkee Ayaa Farxad Dareensiiya Gacalisadiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*