Waan Hubaa In Uu Kylian Mbappé Ku Soo Biiri Doono Real Madrid.

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Karim Benzema ayaa dabka ku shiday wararka xiddiga Kylian Mbappé la xidhiidhinaya Real Madrid kadib waraysi uu siiyay wargayska L’Équipe.

Real Madrid ayaa si aad ah u doonaysay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe kaas oo ay xitaa xagaagii isku dayday in ay la saxiixato xiddiga suuqii xagaaga.

Laakiin PSG ayaa diiday dalabyo Rasmi ah oo ay Real Madrid ka gudbisay saxiixa xiddiga maalmihii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga iyaga oo ku adkaystay in uuna xiddigu iib ahayn.

Karim Bezema oo ka qayb qaadanaya dadaalada ay Real Madrid ku doonayso saxiixa xiddiga isaga oo ku qancinaya in uu ku biiro kooxda Los Blancos xagaaga soo socda.

Benzema oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Kylian Mbappé WUU ku biiri doona Real Madrid maalin uun, waan hubaa. Ma Hubo wakhtiga ay tahay  laakiin wuu imaan doonaa, waa waqti uun”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*