Waalida Suuqa : Ronaldo Oo Aaminsan In Kaliya Hal Koox Ay United Ku Qanci Karto Saxiixisa

Cristiano Ronaldo ayaa ah hadal heynta ugu badan ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waqtigaan iyadoo dad badan ay is weydiinayaan halka uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka soo socda.

Sida ay sheegayeen wararkii maalintii Axad ahaa, Ronaldo ayaa lala xiriirinayay inuu sii lama filaan ah ugu laabanayo Sporting Lisbon, kooxdii uu xirfadiisa ka soo bilaabay ka hor inta uusan ku biirin Manchester United.

Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa laftiisa si cad u beeniyey wararkaas isagoo bartiisa Instagram-ka soo dhigay, wuxuuna ka jawaabay qoraal uu soo dhigay, isagoo ka hadlay wararkaas, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay war been abuur ah.

Kabtanka Portugal ayaa wali heysta dookhyo badan, waxaana isha ku haya kooxo badan oo Yurub ah.

Si kastaba ha ahaatee kooxda cusub ee Ronaldo lala xariirnao ayaa noqon doonta mid ku keeni doonta gilgisho weyn oo ku yimaada indhaha taageerayaasha qaar .

Sida laga soo xigtay warbixin xasaasi ah oo ka soo baxday wargeyska  Spain Diario AS, “Cristiano Ronaldo wuxuu ku qanciyay macalinDiego Simeone inuu keeno Atlético Madrid.”

Su’aalo ayaa isla markiiba la iska weydiiyay warbixintan maadaama  Ronaldo  aysan jecleyn taageerayaasha Atletico Madrid marka la eego guulihii markii uu joogay Real Madrid

U dhaqaaqida Atletico ayaa shaki la’aan waxay wax u dhimaysaa dhaxalkii uu Ronaldo ku lahaa Real Madrid marka loo eego indhaha taageerayaash kooxdaas oo aan aqbali doonin in koox cadaw ka ah uu u soo wareego

Mustaqbalka Ronaldo ayaa la sheegay inuu aad u  kala cadaanayo  asbuucyada soo socda iyadoo taageerayaasha United ay si gaar ah u sugayaan halka uu cagta saari doono

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in Ronaldo uu xiiso ka haysto kooxo ay ka mid tahay Bayern Munich .