WAA WAREY: Sida Ay Noqoneyso Shaxda Xulka Qaranka Ingriiska Kulanka Todobaadkan ee Germany Oo La Ogaadey (Sir Badan Ayaa Ku Duugan!)

Waxa qish laga sii helay shaxda uu xulka qaranka England kaga hortagayo dhigiisa Germany kulanka wareega 16-ka ee EURO 2020 ka tirsan kaas oo Wembley Stadium ka dhacaya Salaasada.

Shaxdan ayaa sheegaysa in tababare Gareth Southgate uu laba bedel ku samayn doono shaxdiisii ciyaartii ugu dambaysay isaga oo laba da’yar ee Phil Foden iyo Mason Mount si wadajir ah ugu soo bilaabaya.

England oo ahaa kuwo qaab gaabis ah ku bilawday tartankan ayaa la ciyaaraya Germany oo uu loolan weyn oo kubaddeed ka dhaxeeyo iyadoo markii ugu dambaysay ee ay tartan ku kulmeen ay ahayd koobkii aduunka ee 2010 markaas oo Die Mannschaft ay 4-1 ku adkaadeen.

England ayaa ahaa xul weerar ahaan aan aad u madadaalo badnayn iyaga oo min 1-0 kaga soo adkaaday Croatia iyo Czech halka ay bar-bardhac 0-0 ah lasoo galeen Scotland.

Dhinaca kale xulka Germany ayaa qaab rafaad leh kaga soo baxay Group-kii dhimashada ee tartanka iyaga oo gool uu Leon Goretzka ka dhaliyay Hungary oo ay la bar-bareeyeen wareega 16-ka ugu soo gudbay.

Haatan wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in Foden oo ciyaartii ugu dambaysay keydka kusoo bilawday iyo Mount oo karantiin galay kaddib markii uu la kulmay Billy Gilmour oo caabuqa Korona laga helay ay kusoo wada bilaaban doonaan.

Waxa la filayaa in Bukayo Saka oo ahaa xiddigii ugu bandhiga fiicnaa kulankii Czech uu keydka ku bilaaban doono balse waxaan wali la hubin go’aanka uu Southgate ka gaadhayo Jack Grealish oo qudhiisu ah ciyaartoyga ay midkooda ugu fiican u arkaan jamaahiirta dalkaasi.

1 Comment

  1. Germany wax laga qaban kara malahan xitiga tayo leh ayeey haystaa England meesha waxba kuma hayaan yaan laceeboowbin kimich iyo goretzka ayaa la safi karaa ama kroos iyo ilkey

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*