Waa Tuma Kooxda Ugu Dhaw Ee Heli Karta Saxiixa Ramos Haddii Uu Ka Huleelo Real Madrid.

Waxaa cirka isku sii shareeraya xoagaha la xariira mustaqbalka Ramos iyo halka uu ku dhameysan doono aayihiisa kubadda cagta .

Hishiiska Ramos ee Real Madrid ayaa dhacaya  dhamaadka xilli ciyaareedkaan waxa ayna wararka qaar sheegayaan in Real damacsan yihiin in wadahadallo hishiis kordhin ah la bilaabaan laacibkaas .

Wargeyska Sport ayaa sheegaya in PSG ay tahay kooxda ugu dhaw ee heli karta saxiixa Ramos waliba qaab xor ah haddii uu xagaaga dambe ka huleelo Real .

Kooxda PSG , waxa ay diyaar u yihiin Ramos mushaar waali ah siiyaan kana saxiixdaan hishiis muddo laba sano , waxa ayna wararka qaar sheegayaan in Real xilligaan  diyaar u aheyn hishiis laba sano balse taasi badalkeeda ay doonayaan kaliya hal sano waana mid caawineysa PSG .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*