Waa Sidee Xaaladda Hazard Ka Dib Dhaawacii Ku Gaaray Kulankii Inter Milan?

Tababare Zidane ayaa ka hadlay xaaladda dhaawac ee Hazard kaasi oo lagu haleelay kulankii xalay ee Inter Milan

Kulankaas oo ka tirsanaa wareegga sedexaad ee Group-yada Champion-ka ayay Real ku badiyeen natiijo dhan 3/2

Wargeyska Marca ayuu Zidane ka yiri”  Hazard laf dheerta ayaa laga gaaray balse waa kaliya jug yar , sidaas oo ay tahay waa in aan il gaar ah  u yeelaanaa maadaama laacibka dhawaan uu ka soo kacay dhaawac”

Mustaqbalka Ramos ayaa wax laga weydiiyay Zidane” Ramos waa kabtankeena  waan jecelnahay  isna dhankiisa waa uu muujiyaa , shakina iigama jiro in uu halkaan sii joogayo”

Ramos ayaa xalay gaaray goolkiisii 100-aad ee uu u dhalinayo Real Madrid .

 

==

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*