Waa Sidee Xaalada Sergio Ramos Ka Hor Kulanka Kooxdiisa Ee El Clasico?

Daafaca kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ku soo laabtay tababarka kooxdiia Real Madrid ka hor kulanka El Clasico ee horyaalka L La Liga.

Sergio Ramos ayaa ku dhaawacmay kulankii Cadiz ee horyaalka La Liga ee sabtidii horee waxana uu ku qasbanaaday in uu ciyaarta ka boxo.

Kabtanka Los Blancos ayaa seegay kulankii champions League ee ay Real guuldarada kala kulantay kooxda Shakhtar.

Xiddiga ayuu shaki ku jiray in uuna taam u noqon doono kulanka El Clasico laakiin xiddiga ayaa si caadi ah uga qayb qaatay tababarkii kooxdiisa.

Wargayska Marca ayaa sheegaya in uu xiddigu si caadi ah u tababartay waliba arintaas calaamad u tahay in uu taam u noqon doono kulanka bari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*