Waa Sidee Tartanka Gool Dhalinta Horyaalka La Liga Kadib Todobaadkii 33-aad

Waxa si Rasmi ah Xalay loo soo xidhay todobaadkii 33-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kadib guushii ay Real Madrid ka gaadhay kooxda Getafe kulan ahaa Derby Madrid.

Todobaadkan ayuu xiddiga Barcelona ee Lionel Messi dhaliyay gool kulankii Atletico Madrid ee ay Barcelona bar-baraha 2/2 ah la gashay kooxda ka dhisan Madrid.

Dhanka kale xiddiga Karim Benzema ayaan wax gool ah dhalin isaga oo ka maqnaa gool dhalinta todobaadkan kadib guushii 1/0 ahayd ee ay kooxdiisu ka gaadhay Getafe.

Sidoo kale Luis Suarez ayaan wax gool ah dhalin todobaadkan kulankii ay kooxdiisu la ciyaartay kooxda Atletico Madrid ee bar-baraha la gashay.

Xiddiga kooxda Villarreal ee Gerard Moreno ayaa kaalinta 3-aad soo galay isaga oo ilaa haatan dhaliyay 15 gool horyaalka La Liga.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Tartanka Gool Dhalinta La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Lionel Messi (Barcelona) 22 Gool

Karim Benzema (Real Madrid 17

Gerard Moreno (Villarreal) 15

Luis Suarez (Barcelona) 13

Iago Aspas (Celta Vigo) 13

Lucas Ocampos (Sevilla) 12

Raúl García (Athletic Bilbao) 12

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*