Waa Sidee Tartanka Boosaska Champions League Ee Horyaalka Premier League

Tartanka kaalmaha 3-aad iyo 4-aad ayaa u muuqda mid wali la isku dhaganyahay iyada oo aan lagu kala bixin iyada oo 2 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka premier League.

Kooxda Man United oo xalay guul wax ku ool ah ka gaadhay kooxda Crystal Palace ayaa dabka ku sii shiday tartanka loogu jiro kaalmaha champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxaha Chelsea, Leicester City & Man United ayaa u dagaalamaya kaliya 2 boos iyada oo midkood kooxahaas seegi doono champions league xilli ciyaareedka dambe.

Kooxahaas ayaa galay labada kulan ee ugu dambeeya iyaga oo isku dhagan oo kala dambeeya kaliya 3 dhibcood xilli kooxda kufta ay galayso khatar weyn oo ay ku seegayso tartanka champions League.

KooxdaKulamadaDhibcahaFarqiga GoolashaKulamada u hadhay
Chelsea36 Kulan63 dhibcood+15Liverpool, Wolves
Leicester City36 Kulan62 dhibcood+31Tottenham, Man United
Man United36 Kulan62 dhibcood+28West Ham, Man United

Sii Akhriso: Dowlada Federaalka Somalia & Madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha Ka Ah Oo Ku Kulmaya Dhuusomareeb

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*