Waa Sidee Rajada Varane Ee Ka Qeyb Galka Kulanka Axadda Ee Athletic Bilbao

Daafaca Real Madrid ee Varane ayaa laga yaabaa in uu seego kulanka soo socda ee Athletic Bilbao ee horyaalka ka dib dhaawacii xalay ku gaaray kulankii Getafe

Real ayaa kulankaas xalay ku badisya hal gool oo ay ku gaareen guushoodii 6-aad ee xariir ah tan iyo markii laga soo laabtay hakadkii Karona waxa ayna axadda la ciyaarayaaa kooxda Athletic Bilbao

Laacibka ayaa isku dayay in kulankaas uu dhameysto balse jugtii kubadda aheyd waxa ay ka dhigtay mid wareersan waliba ka sheeganaya xanuun cunuqa ah waxaana daqiiqaddii 33-aad lagu badalay Éder Militão

Tababare Zidane ayaa damacsan in uu nasiiyo laacibka inkastoo go`aanka kama dambeysta ah la ogaan doono saacadaha soo socda .

Waxaa xusid mudan in Varene uu ka qeyb galay dhamaan kulamada kooxda tan iyo markii dib ay u biloowden waxa uuna soo bandhigayaa heer ciyaareed lagu qancay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*