Waa Sidee Rajada Pogba Iyo McTominay  Ee Kulanka Southampton , Yaa United Ka Maqanaanaya?

Tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunner ayaa shaaca ka qaaday xaaladda ciyaartooydiisa ka hor kulanka  horyaalka ee ay axadd ala ciyaarayaan kooxda Southampton .

Waxa uu   soo hadal qaaday xaaladda labadiisa xiddig ee Scott McTominay  Iyo Pogba  ee ku aadan in ay la lug heli karaan kulankaas axadda

Sida macalinka uu ka sheegay barta twitter-ka kooxda ” Scott McTominay  iyo Pogba kama aysan qeyb gallin tababarkii jimcaha , mana ciyaarayaan kulankaas axadda”

Labadaas ayaa horay u seegay kulankii Champion-ka ee ay United ku garaaceen kooxda reer Turki  halka xiddiga kale Luka Shaw uu soo hayo wadada soo kabsashada uuna ka soo caafimaadaayo dhaawacii jilibka .

Dhanka kale , Lingard  ayaa dhameystay mudadii is go`doominta ee sharciyada u yaal xanuunka karoona  halka sidoo kale ay jirto rajo ah in Lindelöf , Bissaka iyo Rashford ay saftaan kulankaas

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*