Waa Sidee Rajada Man City Ee Saxiixa Messi , Xog Cusub Ayaa Laga Helay Etihad .

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Man City aysan ku kalsooneyn in Messi keeni karaan qalcadda Etihad marka suuqa xagaaga uu furmo dhawaan

Messi ayaa hishiiskiisa Camp Nou waxa uu dhacayaa June waxaana si weyn horay loola xariiriyay kooxda hantiilayaasha Ingiriiska

City waxaa loolanka Messi kula jirtay PSG  balse  inkastoo Messi weli war cad laga hayn in uu saxiiixayo hishiis cusub iyo inkale waxaa soo baxaya xogo cusub oo dhanka City ah.

Si waliba oo ay ahaato , Football Insider ayaa sheegeysa in macalinka  City ee Pep uu filayo in laacibkiisa hore uu saxiiixayo hishiis cusub waliba  Camp Nou uu uga fariisan doono ciyaaraha.

Sababta City ugu muuqato in ay uga quuusato saxiixa Messi ayaa ah  in 33  sano jirkaan uu xariir wacan lala leeyahay madaxweynaha cusub ee  Barca ee Joan Laporta kaasi  oo ka dib guushiisa sheegay in  Messi uu kooxda sii joogayo

Messi ayaa xilli ciyaareedkaan dhaliyay 27 giol halka 12 kala uu sameeyay ka dib 36 kulan oo uu kooxda kala soo muuqday dhamaan tartamada

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*