
Garsooraha u dhashay Poland Szymon Marciniak ayaa dhex dhexaadin doona kulanka Real Madrid iyo Juventus ee koobka kooxaha aduunka 2025.
Real Madrid ayaa caawa la ciyaari doonta kooxda Juventus wareega 16-ka ee koobka kooxaha aduunka si ay u go’aamiyaan cida u soo bixi doonta wareega 8 dhamaadka tartanka
Real Madrid ayaa ku soo baxday Group-kooda oo ay ku jiraan Al-Hilal, Red Bull Salzburg Iyo kooxda reer Mexico ee Pachuca.
Real Madrid ayaa kaalinta 1-aad ku soo baxday kadib 7 dhibcood oo ay heshay wareegii Group-yada tartanka.
Juventus ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad ee group-keeda, waxaana ku jiray Manchester City, Wydad Casablanca, iyo Al Ain.
Kooxda Talyaaniga ayaa 6 dhibcood ka heshay labo guul iyo guuldarro, iyagoo 3 dhibcood ka hooseeya City, oo 9 dhibcood heshay.
Real Madrid ayaa ciyaartay 10 kulan oo uu garsoore ka yahay Szymon Marciniak waxana ay badisay 4 kulan waxa laga badiyay 4 kulan halka ay bar-baro gashay 2 kulan.
Juventus ayaa ciyaartay 6 kulan iyada oo uu garsoore u yahay Szymon Marciniak waxa ay badisay 4 kulan halka laga badiyay 2 kulan.
Be the first to comment