
Horyaalka Premier League ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo la ciyaaray kulankii ugu horeeyay ee qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Kooxda Man City ayaa ku bilaabatay kaalinta 1-aad qaybta dambe ee xilli ciyaareedka iyaga oo hal dhibic ku hogaaminaya horyaalka premier League.
Kooxda Man United ayaa ku jirta kaalinta 2-aad halka ay kaalinta 3-aad ku jirto kooxda Leicester City kadib qaab ciyaareed fiican oo ay soo bandhigtay.
Kooxda difaacanaysa horyaalka ee Liverpool ayaa ku jirta kaalinta 4-aad kadib makrii ay garaacday kooxda Tottenham kulankii ugu xiisaha badnaa todobaadkan.
Kooxda chelsea ayaa ku jirta kaalinta 8-aad halka ay Arsenal la dhibcod tahay kuna jirto kaalinta 9-aad kadib markii ay guulo gaadhay kulamadii ugu dambeeyay.
Be the first to comment