Waa Sidee Kala Saraynta Horyaalka Premier League Kadib Todobaadkii 21-aad.

Horyaalka premier League ayaa maraya meel xamaasad leh iyada oo kooxo badan isku baacsanayaan tartanka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man City ayaa hogaaminaysa horyaalka premier League iyaga oo 3 dhibcood ka horeeya kooxda kaalinta 2-aad ku jirta ee Man United.

Dhanka kale kooxda Liverpool ayaa soo gashay kaalinta 3-aad kadib markii ay ka soo kabsadeen natiijooyin xun oo xidhiidh ah.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in ay 8 kooxood kala sareeyaan kaliya 11 dhibcood dhanka hogaanka horyaalka premier League iyada oo kooxo badan fursad haystaan.

Ilaa haatan lama odha karo in ay 10 kooxood ka baxsan yihiin tartanka horyaalka premier League maadama ay dhibco badan hadheen xilli ciyaareedkuna yahay mid la yaab leh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*