Waa Sidee Kala Saraynta Horyaalka La Liga Kadib Todobaadkii 26-aad, Barcelona Ayaa Ku Faa’iiday Bar-Baraha Madrid Derby.

Kooxaha Atletico Madrid iyo Real Madrid ayaa ku kala baxay bar-baro 1/1 ah kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkii 26-aad.

Kooxda sida weun uga faa’iiday bar-baraha ayaa ah Barcelona kuwaas oo haatan 2 dhibcood oo kaliya u jira hogaamiyayaasha horyaalka La Liga ee Atletico Madrid.

Dhanka kooxda Real Madrid ayaa ka sii fogaanaysa hogaamiyayaasha iyaga oo 5 dhibcood u jira Atletico Madrid halka ay 2 dhibcood ka dambeeyaan kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa guul ka gaadhay Osasuna kulankii Sabtidii waxana ay haatan ku soo laabteen tartanka horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*