Waa Sida Rajada Kooxaha Ingiriiska Iyo Spain Ka Lahaayeen Saxiixa Gool-dhaliyaha Real Sociedad Ee Isak?

Naadiga Real Sociedad ayaa niyad jibisay kooxaha u waalanaya saxiixa weeraryahankooda Alexander Isak

Kooxda Liverpool ayaa qeyb ka ah kuwo sida fog u doonaya da`yarkaas reer Sweden oo ay doonayaan in ay xagaagaan helaan

Laacibkaan 21 sano jirka ah waxaa kale oo uu soo jiitay kooxo ay ka mid yihiin Real Madrid , Barcelona , Chelsea iyo Arsenal

Liverool Echo ayaa haatan  soo xiganeysa in Real Sociedad ay doonayaan in laacibkaan xagaagaan aysan iska iibin

Maadaama ay dareensan yihiin in ay adag tahay in laacibkaan sii haystaan taasi badalkeeda waxa ay haminayaan in xagaaga dambe uun ay  iibiyaan

Real Sociedad ayaa waxa  ay xuseen in laacibkaan heer ciyaareedkiisa oo sii  kordhaya  ay keeneyso in qiimihiisa suuqa kor u kaco sidaa darteed waxa y door bidiyaan in xagaagaan haystaan

Alexander Isak ayaa hishiiskiisa haatan waxaa lagu qiyaasayaa qiimihiisa aduun illaa 70 milyan oo euro

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*