“Waa Mid Caajis Ah”:-Xiddig U Ciyaara Chelsea Oo La Bar-Bar Dhiga Mesut Ozil

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa xiddiga ku dhibaatoonaya chelsea ee Kai Havertz bar-bar dhigay xiddiga Arsenal laga nacay ee Mesut Ozil isaga oo sheegay in uuna xiddiga 89 milyan ugu fadhiya Blues uuna lahayn awood uu kula qabsan karo Premier League.

Xiddiga Kai Havertz ayaa chelsea ugu soo biiray lacag dhan xagaagii kagana soo biiray kooxda Bayer Leverkusen Laakiin ilaa haatan ku fashilmay in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo.

Halyeeyga kooxda Gunners ee Paul Merson ayaana is bar-bar dhigay xiddigaha Havertz iyo Ozil xilli uu la hadlayay Wargayska Daily Mirror.

“Kai Havertz haatan waxa uu u muuqdaa Mesut Ozil oo kale,  waana mid caajis ah, waa xiddig tayo leh laakiin marka uu kubada lumiyo iskuma dayo in uu dib u soo ceshado”.

“Kai ma lahan awood uu kula qabsan karo Premier League, waxa uu u muuqdaa in uuna gabi ahaanba doonayn in uu halkan sii joogo, la soco in uu yahay xiddig da’yar ah oo ka yimid dal kale”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*