Waa Maxay Sbaabtii La Yaabka Lahayd Ee Uu Neymar Isaga Diiday Man City?

Ku Biiristii Neymar ee Kooxda Barcelona ee sanadkii 2013 ayaa ka yaabiyay adduunka.

sababta oo ah Neymar ayaa iska diiday in uu ku biiro horyaalka Premier League isaga oo ka doortay in uu ku biiro kooxda Barcelona.

Hadaba waa maxay sababta La Yaabka Leh ee uu Neymar isaga diiday kooxda Man City?

Markii uu Neymar kooxda Santos waxa uu haystay adduunka oo dhan sababta oo ah koox walba oo yurub ah ayaa ku dagaalamaysayy saxiixiisa.

Waa loo arkay xiddiga ugu xirfada badan kubada cagta kaliyana ka dambeeya Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Sidaas darteed Man City ayaa wadahadalo la gashay si ay u hesho saxiixiisa Laakiin waxa uu iska diiday Man City iyo Premier League sabab la xidhiidha garoomada qoyan,hadii aan isaga rumaysano waxa uu ka wal-walsanaa roobabka qooya garoomada England maadama ay kubadiisu tahay mid orod iyo xirfad ah sidaas darteed qoyaanka garoomada ayaa hoos u dhigaya arintaas.

Neymar ayaa waydiisstay in loo sameeyo kabo isaga u khaas ah si uu ugu ciyaaro kulamada kuwaas oo ka caawin doona in uu si caadi ah ugu ciyaaro garoomada marka ay roobabku ka da’aan.

Laakiin Man City ayaa rumaysan wayday dalabka Neymar taas oo ka xanaajisay mid ka mid ah masuuliyiinta kooxda.

Kooxda.com ayaa xusaysa in jawiga cimilada England iyo Spain ay aad u kala duwanyihiin maadama England mar walba roobab ka da’aan halka cimilada Spain tahay mid mar walba diiran oo qalalan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*