Waa Maxay Sababtii Uu Lionel Messi U Dalbaday In La Badalo Kulankii Granada

Xiddiga kooxda Barcelona ayaa dalbaday in la badalo kulankii Granada qaybtii dambe gaar ahaan daqiiqadii 64-aad ee qaybta dambe taas oo la yaab ku noqotay taageerayaasha Barcelona.

Xiddiga oo aan inta badan dalban in ciyaarta laga saaro ayaa si shaqsi ah u dalbaday in la badalo daqiiqdii 64-aad sabab la xidhiidha dhaawac uu ka dareemay muruqa.

Kamerooyinka ayaa qabtay Lionel Messi oo gacanta saaraya muruqa dambe ee lugta ka hor intii uuna dalban in laga saaro ciyaarta.

Xiddiga Lionel Messi ayaa ka hor tagay in uu dhaawacu sii xumaado hadii uu sii ciyaari lahaa inta ka dhiman ciyaarta.

Barcelona ayaan wax warbixin ah ka soo saarin xalaada xiddiga taas oo la macno ah in uuna dhaawacu ahayn mid halis ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*