Waa Maxay Sababtii Uu Casemiro U Diiday In Uu Sheegto Goolkii Uu Ka Dhaliyay Espanyol

Real Madrid ayaa garaacday Espnayol habeenimadii Axadii iyaga oo uga mahadcelinaya gool uu Casemiro dhaliyay iyada oo uu xiddiga reer Brazil sheegay in ay caawintii loo sameeyay ka fiicantahay goolka.

Goolka ayuu ka caawiyay xiddiga Karim Benzema kaas oo cidhib dambe oo cajiib ah ugu dhiibay.

“Goolka waxa iska leh Karim”ayuu Casemiro yidhi ciyaarta kadib.

“Waxa aan u baranay tayada uu leeyahay iyo qaabka tayada leh ee uu u ciyaaro”.

“Waxa aan ku qasbanaaday in aan la dabaal-dago sababta oo ah Amaanta isaga ayaa iska leh”.

Advertisements

“Waxa aan ognahay tayadiisa waana sababta aan u waydiistay kubada sababta oo ah waxa aan aan ogaa in uu i helayo”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*