Waa Maxay Sababtii Rob Holding Daqiiqadii Ugu Dambaysay Looga Saaray Shaxda Arsenal Inkasta Oo Uu Mikel Arteta Ku Bilaabay Shaxdiisa Kulankii Man City?

Daafaca kooxda Arsenal ee Rob Holding ayaa dhaawac muruqa ah looga saaray shaxdii Arsenal ee kulankii Man City kadib markii uu Mikel Arteta ku bilaabay daafaca dhexe shaxdiisa.

Rob Holding ayaa la filayay in uu ku bilodo shaxda Arsenal kadib markii uu Arteta shaxdiisa ku so daray kuna badalay David Luiz.

Laakiin xiddiga ayaa ku dhaawacmay tababarkii is kulaylinta ahaa ee ka horeeyay kulanka taas oo Mikel Arteta ku qasabtay in uu ku badalo David Luiz.

Tababare Mikel Arteta ayaa ciyaarta kadib xaqiijiyay in uu xiddigu dhaawac dartiisa uga baxay shaxda haatana loo diray Baadhitaan muuxa si loo ogaado inta uu dhaawaciisu leegyahay.

“Waxa soo gaadhay dhaawac igu qasbay in aan ka saaro shaxda”ayuu Mikel Arteta yidhi ciyaarta kadib.

Sii Akhriso: Ciidamo Badan Oo Ka Tirsan Kuwa Gaarka U Tababaran Ee Dawlada Federaalka Somaliya Oo Loo Daad-Gureeyay Magaalada Jowhar + Sabab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*