Waa Maxay Sababtii La Yaabka Lahayd Ee Pierre-Emerick Aubameyang Lagu Badalay Kulankii Newcastle?

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa guul ku hogaamiyay kooxda Arsenal kadib laba gool oo muhiim ah oo uu dhaliyay laakiin waxa uu seegay in uu saddexley dhaliyo sabab la xidhiidha in uu Musqusha u baahday.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa la badalay 2 daqiiqo kadib markii uu dhaliyay goolkiisii 2-aad Mikel Arteta ayaana qirtay in uu kabtankiisu u baahday Musqusha.

“Haa, waxa aan ku qasbanaanay in aan badalno”ayuu Mikel Arteta yidhi.

“Caloosha Ayaa xanuuntay”ayuu sii raaciyay.

Xiddiga reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dib ugu soo laabtay goolasha kulamadii ugu dambeeyay isaga dhaliyay laba gool kulankii Newcastle.

Sii Akhriso: Qaabka Aad U Xoojin Kartiin Jacaylkiina, Tallo Muhiim Ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*