Waa Maxay Sababtii Ay Xiddigaha Liverpool Ugu Dabaal Dagi Waayeen Goolashii Aston Villa?

Taageerayaasha Liverpool ayaa laga ayaabaa in ay dareemeen dabaal-dag la’aanta xiddigohooda kadib goolashii ay ka dhaliyeen kooxda Aston Villa kulankii FA Cup-ka.

Xiddiga Georginio Wijnaldum ayaa tusaale ahaa in uuna xitaa dabaal dagin markii uu goolka dhaliyay si la mid ah xiddigaha Salah iyo Mane ayaan dabaal dagin.

Waxa loo malaynayay in sababta ayna u dabaal dagin tahay in ay Liverpool la ciyaaraysay kooxda 3-aad ee Aston Villa gaar ahaan da’yarka.

Laakiin xaqiiqada ayaa ah in xiddigaha Premier League loo sheegay in aynay samayn dabaal dag weyn iyo waliba in ay isku ururaan marka gool ay dhaliyaan.

Sababta ayaa ah in xidhiidhka xiddigaha kubada cagta ee (PFA) ay fariimo u wada dirtay xiddigaha premier league kuwaas oo ay u sheegtay in ay ilaaliyaan xeerka kala fogaanta ee xanuunka Korona.

Xanuunka Korona ayaa fara baas ku haya England iyada oo kulamo badan loo joojiyay waxana xiddigaha loo sheegay in ayna xita samayn qaylo iyo waxyaabo la mid ah maadama afkoodu furmayo loogana cabsi qabo xanuunka.

Sidaas darteed xiddigaha ayaan u dabaal dagin sidii caadada ahayd ee ay xiddiguhu u dabaala dagi jireen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*