Waa Maxay Sababtii Ay Barcelona Uga Naxday Ka Hadhistii Atletico Madrid Ee Champions League, Faa’oodo Ayay Ku Qabtay.

Kooxda chelsea ayaa xalay Atletico Madrid ka reebtay tartanka champions Legaue kadib guul 2/0 ah oo ay kaga gaadhay kooxda Stamford Bridge kana tirsanaa lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League.

Kooxda Barcelona ayaa ahayd kooxda kale ee sida weyn uga naxday in ay Atletico Madrid ka hadho tartanka champions League marka Laga reebo in ay Atletico Madrid ka naxday ka hadhistooda tartanka.

Kooxda Atletico Madrid ayaa la kulantay guuldaro 3/0 ah marka la isku daro natiijada labada kulan ee tartanka champions league.

Kadib ka hadhista kooxda Atletico ee champions Leaue kooxda Barcelona ayaa khasaartay fursad ay lacag fiican uga heli lahayd Atletico Madrid maadama ay heshiiskii Luis Suarez ku dartay shardi ay ku helayso lacag dheeraad ah hadii ay Atletico Madrid iska xaadiriso wareega 8 dhamaadka champions League.

Barcelona ayaa rajaynaysay in ay Guul ka gaadho Chelsea iskana xaadiriso wareega xiga si ay u hesho lacag dhan 2 milyan oo euro oo ku jiray heshiiskii Luis Suarez halka ay heli lahayd lacag dhan 5 milyan ah hadii ay iska xaadirin lahayd Semi-final-ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*