Waa Maxay Sababta Xiddiga Germany Guuldarada U Hor Seeday Loogu Diiday In Uu U Ciyaaro Arsenal, Sheeko Xiiso Leh.

Takuma Asano ayaa ahaa geesigii Japan ee koobkii aduunka isaga oo xulkiisa guul ku hogaamiyay kulankii ay garaaceen xulka Germany laakiin Weeraryahanka ayaa u ciyaari lahaa Arsenal.

28-sano jirkaan ayaa dhaliyay goolka guusha ciyaartii uu xulka Germany 2/1 uga badiyay xulka Germany iyada oo xulka Japan guul ku bilowday koobka adduunka.

Tababarihii hore ee Gunners Arsene Wenger ayaa Asano kala soo wareegay kooxda Sanfreece Hiroshima sanadkii 2016 laakiin sabab la xidhiidha warqada shaqada, xiddiga ayaa loo diiday in uu ka ciyaaro Premier League isaga oo ugu dambayn isaga tagay kooxda isaga oo aan u ciyaarin.

Tababaraha halyeeyga ah ee Arsene Wenger ayaa xiddiga Asano ku tilmaamay weeraryahan tayo leh isla markaas mustaqbal weyn ku leh kubada cagta.

Asano ayaa qaab amaah ah ugu biiray kooxaha reer Germany ee Stuttgart iyo Hannover ka hor inta aysan si rasmi ah ugu biirin kooxda reer Serbia ee Partizan Belgrade.

Weeraryahanka ayaa haatan ku soo laabtay Germany isagoo u ciyaara kooxda VFL Bochum kadib markii uu xiddig xor ah noqday saandkii 2021.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*